Maxkamadd Ku Taala Ethopia oo Xukun Ku Ridey Dhalinyaro Soomaliyeed

0
103

Maxkamadda Ku tala Magalada addis ababa ee Xarunta dalka Ethopia ayaa xukun xabsi ah ku riday dhalinyaro Soomaliyeed oo ku eedeysnaa in ay ka Tirsan Yihiin dagaalayahanada Xarakada Al-shabaab.

Badri Yuusuf iyo Aanas Cismaan oo ah Dhalinyaro Soomaliyeed ayey maxkamaddu ku xuntay min 6 sano oo xabsi ah, sida ay baahisay warbaahinta qaranka ee dalkaasi.

Labadan wiil ee Soomalida ah ayaa lagu eedeeyay iney maleegayeen dhismaha koox ka dagaalanta dalka Itoobiya, islamarkaana xiriir la leh Xarakada Al-shabaab.

Xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa sheegay in Badri Yuusuf iyo Aanas Cismaan ay xabsiga dalka Ethopia ay ku xirnaayeen Muddo 3-sano ah islamarkaana ay ku eedeysnaayeen maalgalinta Al-shabaab.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in dhallinyaradaan Soomaaliyeed aan la siinin fursado ku saabsan iney is difaacaan,madaama lagu eedeeyay eedeeyay iney maleegayeen dhismaha koox ka dagaalanta Itoobiya, islamarkaana xiriir la leh Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here