Maxaad Ka Ogtahay Qofka Ugu Da’da Weynaa Qarnigaan

0
67

Violet Brown oo ah haweeneey u dhalatay dalka Jameeka ayaa waqtigeeda inta badan waxa ay ku qaadan jirtay qeybta koofureed ee guriga ee ku nooshahay oo ah goob coos fara badan uu ka baxo tan iyo xiligii ay gashay da’da gabowga ama duqnimada waxaana ay ka fogaan jirtay  cunista hilibka doorada waxaana bishii murch aynu ka soo gudubnay u daabaal dagtay dhalashadeedii oo 117 sano ay ka soo wareegatay.

Maalintii shalay aheyd ayaa waxa ay aamintay in ay tahay qofka dunida ugu da’da weyn ee imika nool kadib markii uu dhintay Emma Morano oo ka soo jeeday dalka talyaaniga kaa oo dhashay 29 November sanadii 1899.

Violet Brown oo la hadashay wakaalada wararka Associated Press ayaa la yaabtay iskoorka ay heesato balse waxa ay sheegtay in ay aad ugu farax santahay cimriga dheer ay heesato.

“Cumrigaan waa mid allah uu I siiyay, waana heystaa nolol cumri dheer leh” sidaas ayeey ku sheegtay wareysi lagula yeeshay gurigeeda oo ku yaala magaalada Duanvale ee dalkaasi Jameeka.

Brown ayaa hadda waxaa lagu wadaa in loo tixgeliyo qufka dunida ugu da’da weyn iyadoo la’eegayo documentiyo cad oo ka turjumaya xiligii ay dhalatay iyo dhalin yaro nimadeedii sida uu sheegay agaasimaha baarista xogaha aas-aasiga ah ee dalkaasi iyo koox si volunteer ah kala shaqeysa arimaha daba dalka iyo raadinta xogaha deegaanka.

Waxaa sidoo kale  ay sheegeen in haweeyneedaan da’da ah ee dhalatay  bishii March sanadii 1900.

Brown si rasmi ah wali looma aqoonsan qofka ugu da’da weyn mana lagu darin buuga dhacdooyinka aduunka.

Ra’isul wasaaraha dalka Jamaica ayaa boggeeda Twiteer-ka ugu hambalyeeysay Violet Brown oo qaaday iskuurka ugu da’da weyn caalamka.

W/T:-Abdiaziz Hassan Ibrahim

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here