Maxaa looga hadlay Shirkii ka dhacay Madaxtooyadda ?Daawo Sawirada

0
47

Madaxda maamul Goboleedyadda ayaa Maanta Shir uga qeyb galay Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya , waxaana Shir gudoominaayay Shirkaasi Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirkaan oo ah kii ugu horeeyay ee ay yeeshan Madaxda Qaranka iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada dhexe ayaa lagaga hadlayay qodobo kala duwan oo ay ugu muhiimsan yihiin.

Marxaladaha Siyaasadeed ee wadanku uu ku sugan yahay iyo sidii si wada jir ah looga shaqayn lahaa Siyaasad midaysan oo lagu hago dalka.

Xoojinta wada shaqaynta Dowlada Cusub ee Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Sidi Abaaraha ba’an ee dalka ka jira looga tashan lahaa gurmad loo dhan yahayna loo gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan.

Qaab dhismeedka iyo isku dhafka Ciidamada qalabka sida iyo qodobo kale.

Inta uu kulanku socday waxaa madaxdu ay figradahooda ka dhiibteen qaabka loo wajahayo shirka London iyadoo ay isla meel dhigeen in Siyaasad midaysan shirkaas lala tago si waxyaabo dalka anfaca ay uga soo baxaan.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa madasha ka sheegay in Soomaaliya looga baahan yahay qorshe cad in ay la tagto Shirka London isla markana wax ku ool ah oo dhinacyo badan.

Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in qorshaha amaanka Soomaaliya ay tahay arin muhiim u ah xasiloonida dalka taasna ay lagama maarmaan ka dhigayso in Siyaasad amaan oo dhaxal gal ah lala yimaado si loo wiiqo awooda Al-Shabaab caalamkana ay u arkaan in Soomaalidu ay wada jirto oo arimaheeda ay xalisan karto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here