Mareykanka oo Ciidamdii ugu badnaa u soo diray Soomaaliya

0
38

 

Dowladda Mareykanka ayaa Ciidamo u soo dirtay Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen warbaahinta gudaha ee dalka Mareykanka.

Saraakiil Maryakan ah ayaa sheegay in Ciidamo Maraykanka loo soo diray Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya si ay tababar u siiyaan Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Ujeedka Ciidankan loo soo diray ayaa ah sidii ay u xoojin lahaayeen Tababarada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM, oo Dagaal adag kula jira Shabaab.

Tiro kooban oo Ciidamo ah ayaa 2-dii bishan waxa ay ka soo degeen magaalada Muqdisho, waxaana saraakiishu sheegeen in imaanshaha Ciidankaasi ay codsatay Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Soomaaliya horey waxaa u joogay Ciidamo Mareykan ah oo kooban, kuwaasi oo Tababar siinaya Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa dhowaan ku dhawaaqay in dalka uu galay xaalad Dagaal, loona baahan yahay in la iska kaashado Dagaalka Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here