Maraykanka, Japan Iyo K\Kuurya Oo Si Wadajir U Bilaabay Dhoolatus Milliteri.

0
50

Carbiskaasi oo socon doona muddo 3 maalmood, waxaa ka qeyb galayo in ka badan 800 Askari, kuwaasi oo ay wehliyaan dhowr Maraakiibta dagaalka ee wax burburiya iyo Helikopteradda lagula dagaalamo Maraakiibta Badda quusta ee Gujiska.

Tababarkaasi Milliteri ayaa la sheegay inuu loogu diyaar-garoobayo sidii loogu hortegi lahaa weerarada Gantaalladda ee laga filan karo dalka Waqooyiga Kuurya.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Mraaykanka, Donald Trump ayaa ku goodiyey inay Tallaabo Adag ka qaadi doonaan Waqooyiga Kuurya, haddii ay Dowladda Shiinaha ka soo horjeesato in la weeraro Barnaamijka Nukliyeerka ee Waqooyiga Kuurya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here