Madaxweyne mar kaliya shaqada ka ceyriyey kumanaan ka tirsan shaqaalaha dowladdiisa

0
133

Madaxweynaha Tanzania, John Magufuli ayaa shaqada ka eryay ku dhawaad 10,000 oo shaqaale dowladeed ah kuwaasoo lagu eedeeyey iney haysteen shahaadooyin been abuur ah.

Waxa uu amray inay banneeyaan goobaha ay ka shaqeeyaan ka hor 15 bisha May, haddii aanay sidaa sameynna xabsi iyo maxkamadeyn la isugu dari doono.

Mr. Magufuli ayaa falkan kaga jawaabay warbixin uu soo saaray guddi arrintan loo saaray oo soo diiwaangeliyay 9,932 shaqaale dowladeed oo haysta shahaadooyin dugsi sare oo been abuur ah.

Shaqaalahan la ceyrinayo ayaa tiradoodu waxay ay wax yar ka sarreysaa boqolkiiba labo shaqaalaha dowladda ee waddanka Tanzania.

Waxaa Baaritaanka lagu sameeyay shahaadooyinka dugsiga sare oo kaliya ee ay haystaan saraakiisha dowladda hoose, hay’adaha iyo wakaaladaha dowladda, balse lama baarin shahaadooyinka Jaamacadaha.

Shaqaalahaasi dowladda ayey sidoo kale suuragal tahay in la maxkadeeyo oo haddii lagu helo dambi wax is daba marin ah waxa ay wajahayaan ilaa todoba sano oo xarig ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here