Madaxweyne Farmaajo oo maanta Warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirka China

0
43

Madaxwaynaha dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maanta warqaddaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiisan doonna Soomaaliya.

Mudane Qin Jian ayaa dhowaan dowladda Shiinaha u soo magacowday Danjiraheeda Soomaaliya, iyadoo labada dowladood uu ka dhaxeeyo cilaaqaad wanaagsan.

Safiirka China ayaa Farmaajo usheegay inuu hambalyo uga wado dowlada China kadib doorashadiisii waxaana uu tilmaamay iney wada shaqeyn doonaan labada dal.

China ayaa dadaal xoogan ugu jirta iney ka dhex muuqato geeska afrika gaar ahaan dhaqaalaha iyo dhanka militeriga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here