Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan wadan ee dowladiisa xiriir dhow la leydahey

0
302

Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maalinta bari ah ku wajahan magaalada Ankara ee Caasimada dalka Turky-ga waana Safarkii ugu horeeeyay ee uu ku tago wadan reer yurub.

Ilo lagu kalsoonan Karo oo la hadlay booqasho news  ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (farmaajo) iyo wafdi uu hogaaminaayo ay dalka Turky-ga ku wajahan Yihiin islamarkaana qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo laga dareemayo magaalada Ankara ee Caasimada dalka Turky-ga.

Madaxweynaha markuu gaaro Magaalada Ankara ee Caasimada dalka Turky-ga waxa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxweynaha dalka Turky-ga Recep Tayyip Erdogan oo dhawaan ku guuleystay in uu awood balaadhan ku yeesho dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here