Madaxweyne Dowlada Puntland C/wali maxamed (Gaas oo ka ambabaxay Puntland

0
28

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali maxamed (Gaas) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Talaado ah u dhoofay waddanka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan Magaalada Dubai.

C/wali Gaas waxaa Garoonka Diyaaradaha Canoco ku sii sagootiyay mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha Puntland, wuxuuna Madaxweynuhu saxaafadda u sharaxay socdaalkiisa.

Cabdiwali Cali Gaas, ayaa sheegay inuu u tagayo waddankaas dhammaystirka hishiiska lagu casriyaynayo dekedda Boosaaso oo uu sheegay inuu marayo heer gabo-gabo ah, isagoo xusay inuu ku rajo weyn yahay sidii loo dhammaystiri lahaa.

‘’Waxaan maanta u ambabaxayaa dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta oo aan u aadayo heshiiskii mudo soo socdey ee ahaa ballaarinta iyo casriyaynta dekedda magaalada Boosaaso, heshiiskaas oo mudo soo socdey geba gebadiisiina la marayo waxaan rajaynayaa inuu guul ku soo dhamaado,” Ayuu yiri Gaas.

Safarkan ayaa ku soo aaday xilli dhawaan Madaxweyne Gaas uu sheegay in arrimaha ka harsan mashruucan ay dhammaystiri doonaan mas’uuliyiin ka tirsan Puntlandoo ku jiro Guddoomiyaha Baarlamaanka Axmed Cali Xaashi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here