Macalimiin ka tirsan Urur Diimeedka cusub ee Al-Asaadicuun Bil-Xaq oo shaqa laga ceeriyey

0
26

 

Maamulka Sare ee Jaamacadda Jasiira ee Magaalada Muqdisho ayaa goor dhow waxaa ay shaaciyeen in ay ceyriyeen Seddax ka mid ah Macalimiinta Jaamacaddaasi.

Sabata ugu weyn ee Macalimiintaas looga Ceyriyay Jaamacadda ayaa lagu sheegay in ay cadeysteen in ay ka tirsan yihiin Urur Diimeed cusub ee Al-Asaadicuun Bil-Xaq.

Urur diimeedkan ayaa dhawaan looga dhawaaqay Muqdisho iyadoo Culimadda Somaliyeed ay sheegeen in uu ururkan uu yahay Halis loona baahan yahay in laga hortago.

Ururkan isku magacaabay Al-Saadicuun Bil-Xaq ayaa fadhigiisa ugu weyn waxaa uu ku yaalaa Dalka Masar, waxaana ka mid ah wadamada looga dhawaaqay, Liibiya Kuweit, iyo Somaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here