Maamul goboleedkii 3aad oo hawada soo geliyey TV codkiisa ku hadlaya

0
37

    Maamulka Koonfur galbeed Somalia ayaa ku guuleystay inuu hawada soo geliyo telefishin cusub oo ku hadlaya codka maamulkaas kaasoo xaruntiisu tahay magaalada Baydhabo.

Magaca Tv-gan cusub ayaa laga dhigay South west State Television , iyadoo muddo dheer laga shaqeynayey sidii hawada loo gelin lahaa.

South west State Television ayaa hawada ku jiri doona 24-ka saac waxaana ka bixi doona barnaamijyo iyo warar ku saabsan xaaladaha ka jira degaanada hoos taga maamulka koonfur galbeed Somalia.

Taaba-gelinta Mashruuca lagu howlgeliyey Telefishankan waxaa dedaal badan geliyey masuuliyiin iyo howlwadeeno ay ka mid yihiin Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirka Warfaafinta maamulkaas, Xasan Cabdi Maxamed, Lataliyaha gaarka ah ee Warfaafinta ee Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Eng. Cabdulqaadir Maxamed Cali (Tuunda) iyo xubno kale.

Maamulka Koonfur galbeed ayaa noqonaya Maamul goboleedkii saddexaad ee ka tirsan dowlada Somalia oo yeesha TV ku hadla codkiisa waxaana horey telefishino noocan u sameystay maamul goboleedyada Puntlad iyo Jubaland.

Maamulka Somaliland oo sheegatay iney ka madax banaan tahay Somalia ayaa isna leh telefishin ku hadla codkiisa

Labada maamul goboleed ee soo haray oo kala ah Galmudug iyo Hirshabelle ayaan weli yeelan telefishino noocan ah oo ku hadla codkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here