La Yaab: Haweeney dhashay 38 cunug iyadoo 37 jir ah iyo sida ay ku dhacday (SAWIRRO)

0
291

Hooyada lagu magacaabo Mariam Nabatanzi ayaa dhammaan ilmaha ay dhashay ku umushay gurigeeda dhexdiisa marka laga reebo cunugii ugu dambeeyey oo ay ku dhashay isbitaal kaasoo hadda ah 4 bil jir.

Hooyadaan ayaa dhashay ilaa 38 cunug iyadoo 37 jir ah taasoo la yaab ku noqotay dad badan oo adduunka ku nool, waxayna kasoo jeedaa dalka Uganda oo dhaca Africa.

Wararka laga helayo haweeneydaan ayaa sheegayo inay dhashay 6 jeer oo min laba mataano ah, 4 jeer oo min seddex mataano ah iyo 3 jeer oo min afar mataano ah.

10 ka mid ah ilmaha ay dhashay ayaa ah gabdho halka 28-ka kalana ay yihiin wiilaal, curadkeeda ayaa 23 jir ah halka midka ugu yar uu yahay 4 bil jir.

Haweeneydaan dhashay 38 cunug ayaa  sheegtay inay guursadatay iyadoo 12 jir ah sanadkii 1993 markaas oo ay la aqal gashay nin jiray 40 sano.

“ ma garaneyn inaan ahay qof la guursanayey xilligii aan aqal galayey, maadaama aanan si fiican wax u kala aqoon”  Hooyadaan ayaa saxaafadda  u sheegtay.

Sanadkii 1994, hal sano kadib guurkeeda iyadoo 13 jir ah ayey dhashay laba cunug oo mataano ah waxayna aheyd markii ugu horeysay ay ilmo dhasho, inkastoo ninkeeda ay islaan hore wax usoo dhashay.

Laba sano kadib, waxay dhashay 3 Mataano ah, sidoo kalana waxay hal sano iyo 7 bil kadib dhashay afar mataano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here