La Taliyaha Amniga ee Madaxweynaha oo ka Hadley Dagaalka uu Iclaamiyay Farmaajo

0
36

Mudane Xuseen Macalin oo ah La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa fasiraad ka bixiyey iclaamintii dagaalka ee 6-dii April 2017.

Xuseen oo mar su’aal laga weydiiyey arrinta Xaalad Dagaal ayaa sheegay inaysan haba yaraatee micnahu aheyd Xaalad Deg-deg ah, hase yeeshee uu ku micneeyey inay tahay xaalad lagu xoojinayo ama lagu dar-dargelinayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Xuseen ayaa sheegay in tallaabadan ay ku timid ka dib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu horey u ballanqaaday inuu mudnaan gaar ah siin doono arrimaha amniga, isla markaasna ay suurtogashay in dib u habeyn lagu sameeyo Taliyeyaasha Ciidamada Dalka.

Xuseen oo hadalkiisa sii wada ayaa sheegay in Xaalad Dagaal ay micnaheedu tahay diyaar garow dhanka ciidamada ah si ay howlgal ballaaran u qaadaan iyo diyaar garow dhanka shacabka ah oo laga doonayo inay taageeraan oo garab-istaagaan ciidamada xilliga ay dagaalka ku jiraan.

Xuseen ayaa ugu danbeyntii sheegay in micnaha Xaalad Dagaal aysan marnaba la mid aheyn Xaalad Deg-deg ah (State of Emergency), sababtuna waxey tahay Xaalad Deg-deg ah waa marka khatar weyn ay soo wajahdo dalka, taas oo u baahan in dhammaan hay’adaha Dowliga ah inay ka wada tashtaan oo waxaa jira nidaam loo maro oo ugu danbeyntana Baarlamaanka Soomaaliya uu yahay hay’ada soo saari karta Xaalada Deg-dega ah si uu Madaxweynahu dekreeto ugu soo saaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here