Kulan u Dhaxeeya Dowlada Puntland iyo Xubno Ka Tirsan Al-Saadicuuna Bil xaq oo hada ka Socda

0
235

Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa ku waramaya in haatan xarunta Magaladaas uu ka socdo kulan u dhaxeeya Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdulllaahi Maxamed (Faraweyne) iyo xubno ka tirsan koox diimeedka Al-Saadicuuna bil xaq ee dhowan laga mamnuucay maamulka Puntland.

Kulanka haatan ka socda xarunta Magaalada Garoowe ee Caasimada maamulka Puntland ayaa ah mid albaabada u laaban yahay welina socda ayaa la filayaa inuu guddoomiyuhu saxaafada shir jaraa’id u qabto salaada duhur kadib, isagoo ka warbixin doono go’aamada kasoo baxay shirkoodii iyo mowqifka xubnaha Al-Saadicuuna Bil Xaq.

Wixii kusoo kordha warkaan kala soco booqasho news

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here