Kulamo Qarsoodi ahaa oo Sannadkii 1976-kii dhex marey Madax Ka Kala Socotay Soomaaliya iyo Mareykanka

0
33

 

Wakhtigu waa goor galab ah, saacaduna waa afartii oo rubuc dhiman, waa Bishii Oktoobar ee Sannadkii 1976-kii, waxaa balansan wafdi dawladda Soomaaliya ka socda iyo masuuliyiin Mareykan ah, goobtu waa goob khaas ah (Apartment) oo ku taala Hoteelka caanka ee Waldorf-Astoria ee Magaalada New York, goobtani waxay gaar u aheyd xog-hayahii hore ee Arimaha dibada Mareykanka Henry Kissinger, kaas oo kulamada gaarka ah ku qabsan jirey, waana meel u gaar ah xoghayaha iyo shaqaalihiisa oo kaliya.

Siyaasiinta Soomaalida ee kulanka ku sugani waxay taageero u raadinayeen in dawladda Maraykanku ay taageerto in dadka Soomaliyeed ee ku hoos jira xukunka Gumeysiga Itoobiya ay helaan xornimo iyo in kor loo qaado xiriirka Soomaaliya iyo dawladda Mareykanka.

Kulanku waa mid si qarsoodi loo diyaariyay, waxa uu ku soo beegmay wakhti ay kacsanaayeen xiisada siyaasadeed ee waddamada Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana soo muuqanayey saan-saanta dagaalkii Sannadkii 1977-kii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa kale oo is fahan waa siyaasadeed dhexyaalay Midowga soofiyeeti (USSR) iyo dawladdii kacaanka ahayd ee Soomaaliya ka talinaysay xiligaas.

Sida uu Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre Allaha u naxariistee ku sheegay waraaq uu u diray Bishii Janaayo 9-kedii Sannadkii 1976-kii Madaxweynihii Mareykanka ee wakhtigaas Gerald Ford, waxa uu ku cadeeyey in dawladda Soomaaliya ay qaadatay Siyaasada dhexdhexaadnimada ah ee ah in aan midna la raacin quwadaha waaweyn ee dunida (non-aligmnemnt) waxaana Madaxweyne Siyaad Barre uu ku sheegay waraaqdaas in dawladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay xiriir wanaagsan la yeelato dawladda Mareykanka, waxaana uu ka mahad celiyay kaalmo caawimo ah oo dawladda Mareykanku ka gaystay abaartii Dabo Dheer ee Soomaaliya ka dhacday Sannadkii 1974-kii.

Madaxweyne Siyaad Barre waxuu kaloo afka ka sii faray waraaqdana ku cadeeyay in Muddane Cabdirxamaan Nuur xirsi oo ahaa Wasiirkii Maaliyada Soomaaliya, isla markaana ahaa ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha waraaqdiisa qaaday in dawladda Soomaaliya ay quud dareynayso in Dawladda Mareykanku ay kaalin wax ku ool ah ka gaysto xalinta khilaafka u dhaxeeya dawladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan dhulka Soomaali Galbeed ee xabashida ay xooga ku haysato.

Waxa kale oo Siyaad Barre waraaqdiisa ku xusay in dawladda Soomaaliya aanay ka raali ahayn in French Somaliland (Jabuuti intii aanay xornimada qaadan oo Faransiiska ay maxmiyada u ahayd) marka ay xornimada qaadato in dawladda Faransiisku aanay Saldhig Militari ku sii lahaan waddankaas, laakiin ay dadka reer Jabuuti ay aayahooda ka taliyaan, taas oo Madaxweyne Siyaad Barre sheegay in Dawladda Soomaaliya ay taageeri doonto.

Warqaadaas Madaxweyne Barre diray oo aynu meelo kala duwan ka eegi doono, waxay aynu ku gaabsanaynaa in xiriirka Isfahan ee dawladdaha Mareykanka iyo Soomaaliya uu horseeday in kulamo adag laga yeesho arimo aan hore laysugu sal banaanayn.

Xiriirka furfurmay ee Soomaaliya iyo Mareykanku waxa uu horseeday in ay kulamo badan yeeshaan Siyaasiin Soomaali ah iyo kuwo Mareykan ah, kaas oo ka dhacay meel kala duwan. Kulanka aynu soo qaadan doono waa mid ka mid ah kuwa ku suntan taariikhda Diblamaasiyada Soomaaliya, waxaana si fudud kuugu soo baxaysa heerka ay ciyaareysay Diblamaasiyada Soomaaliya ee wakhtigaas taagnayd.

Waftiga waxa hormuud u ah Wasiirkii Macdanta, Biyaha iyo Khayraadka Soomaaliya Allaha u naxariistee Xuseen Cabduqaadir Qaasim waxaana uu ka mid ahaa Diblamaasiyiintii ugu khibrada badanaa ee dawladda Soomaaliya lahayd xiligaas waxaana jirta in Sannadihii 1976, 1977, 1978 iyo 1979-kii waxa uu si joogta isaga dab qaadi jiray Mareykanka iyo Soomaaliya, waxa uu hogaamiyay kulamo badan oo qarsoodi u dhacay iyo kuwo si caalan ahba loola kulmayay masuuliyiin badan oo Mareykan ah.

Sannadkii 2009 ayay shabkada Wikilikis ay shaacisay kulamadaas qarsoodiga ahaa oo Wasiir Xuseen Cabduqaadir Qaasim la galay masuuliyiin badan oo Mareykan ah waxaana Wasiir Qaasim wakhtigaas uu door muhiim ah ka soo qaatay xiriirka diblamaasiyada ay dawladda Soomaalidu ug raad joogtay in ay taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba kaga hesho dunida Reer Galbeedka ka dib markii uu hoos u dhacay xiriirkii kala dhexeeyay dawladii Midowga Soofiyeeti ee Ruushka.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiir Qaasim sida aad akhriste ka arki doonto doodiisa kulankan, waa siyaasi iyo diblamaasi kalsooni badani ka muuqato marka uu kulanka sirta ah ka qayb galayo, waxa uu si fiican ugu nuuxnuuxsanayaa qadiyada Soomaalida ee ah xoraynta Soomaali Galbeed, Mr Qaasim alle ha u naxariistee oo geeriyooday, waxaa raadkii aabihii qaaday wiilkiisa Guuleed Xuseen Cabduqaadir Qaasim oo wasiir ka noqday Xukuumaddii Ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid ee hadda dhacday isaga oo ahaa Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya.

Walaal intaas ayaan ku hakinayaa qeybtii koowaad ee warbixintan la soco qeybta labaad oo aad u xiiso badan Beri Insha Allah.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan warbxintan.

Qalinkii: Cabdiqani Maxamed Cige.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here