ku Dhawaad Hal Milyan oo Qof Ayey Iska Dileen Dadka Ruwanda 90 Maalmood Gudahood Hadana Waa Is Cafiyeen.

0
113

Dowlado badan oo caalamka ah ayaa dhibka ay Soomaaliya ku jirto mid la mid ah amba ka daran soo maray badankoodna waa ka gudbeen waxaanan tusaale ahaan u soo qaadan karnaa dalka Ruwanda oo dagaaladdii qabaliga ahaa ee dhex marey labada qabiil ee Tutsi’ga iyo Hutu’ga ay isaga dileen ku dhawaad Sagaal Boqol oo kun (900.000) oo qof misana sidaas oo ay tahay dadkii Tutsi’ga ahaa ee la laayay iyo kuwii wax laayay ee Hutu’ga way ka baxeen dagaaladii oo way is cafiyeen waxaana arintaas horseed ka noqdey hogaamiyeyaasha siyaasada gaar ahaan Madaxweyne Paul Kagame,waxa garadka iyo kuwa dhaqanka ee dalkaas Ruwanda.

Anigu waxan meel la daganaan jiray 2 nin oo Hutu ah iyo nin Tutsi ah oo waxaan isla dhigan jirnay Jaamacad. Marka aad eegto dhaqanka dadkaa shaki ayaa kaa galayo in uu waligood xasuuq dhexmaray haddane kan Tutsiga ah walaalkii iyo aabahii ayaa lagu dilay Xasuuqii Ruwanda.

Waxaa dhacdey intii aanu ragaas wada deganeyn ayaan mar u yeeray mid ka mid ahaa 2 Hutu-ga waxana ka codsaday inuu ii macneeyo waxa uu yahay Tutsi iyo Hutu. Dabadeed inta uu ii soodhawaaday ayuu hoos iila hadlay asigoo iska eegayo ama iska ilaalinayo inay maqlaan kuwa kale, markaa ayuu igu yiri waxa la mamnuucay in arimaha aad sheegayso xitaa la soo hadalqaado waxuuna ii sii raaciyay kaasi waa Tutsi aniga iyo wiilka kalena waxaan nahay Hutu balse waxan kaa codsanayaa inaad mar danbe aanan midkeen arinkaa weydiin.

Bishii March sanadkii 2007 ayey aheyd markii aan tegay magaaladda Caasimadda ah ee Kigali waxaana garoonka dayuurdaha waxyaabaha aan ku arkey ee sida weyna ii soo jiitey ka mid ahaa Boor ay ku qorantahay “Fadlan ha weydiin qofna qabiil hana ka hadlin marka aad dalkan Ruwanda joogto” waxaana horay la ii siiyay Buug ay ku qoran tahay inaan arimahaas laga sheekeyn Karin waa dagaalada qabiilkee.

Waxyaabaha kale ee aan la kulmey waxaa ka mid ahaa gabar Tutsi ah oo walaalaheed iyo aabaheed lagu dilay xasuuqii dhacey mudadii dhameyd 100’ka maalmood waxaana gabadhaa ay taqiinay dadkii dilay walaalaheed kuwaas oo ay diris ahaayeen. Markii loo soo qabtay oo cadaalada la hor keeney dadkii xasuuqaa ka danbeeyay way cafisay oo waxay ka door bidday sida ay ii sheegtay nabadda iyo is cafiska waddanka Ruwanda laga sameeyay.

Dhamaan tusaalayaashan waxaan u soo qaatay hadii aanu Soomaali nahay inaan wax ka baran karno in dagaalada iyo is naceybka qabiilka layska hilmaami karo wax wada qabsina loo soo jeesan karo, iyadoo la abuurayo dhalinyaro saliim ah oo wax waliba waddaniyadooda ka hormariso Insha’allah.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

 

Qalinkii: Cabdifatax Xuseen Sabriye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here