Korneyl Bishaar “Cid ii sheegtay malahan in xilka la’iga qaaday”

0
65

Warbaahinada qaar ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa baahiyay in xil ka qaadis lagu sameeyay Korneyl Bishaar Abshir Geeddi oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska qeybta Gobolka Banaadir.

Sidoo kale warbaahinta ayaa sheegtay in Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. C/xakiin Daahir Saciid (Saciid) uu xilka ka qaadis ku sameeyay Korneyl Bishaar Abshir Geeddi, xilkaasina uu u magacaabay General Axmed Xasan Maalin.

Markii aan intaasi maqalnay ayaan la xiriirnay Korneyl Bishaar Abshir Geedi, Taliyaha Ciidanka Booliska qeybta Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay inaanu xaqiijin karin wararka sheegaya in xilka laga qaaday.

Korneyl Bishaar Abshir Geeddi oo si hoose ula hadlay Risaala ayaa yiri “La iguma soo wargelin in xilka la iga qaaday, cid ila soo xiriirtay oo ii sheegtay in xilka la iga qaadayna ma jirto, warbaahinta oo keliya ayaan ka maqlay”.

Korneyl Geedi, ayaa xilkan loo magacaabay horaantii bishii June ee sanadkii hore, ka dib markii xilkaasi laga xayuubiyay General Cali Xersi Barre (Cali Gaab).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here