Kiis Dacwadeedkii u Dhaxeeyay Tv-ga Universal iyo Puntland oo Go’aan Laga Gaaray

0
35

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Nugal oo mudooyinkii ugu dambeeyay u fadhisay kiis dacwadeed u dhaxeeyay Tv-ga Universal ee deeganada Maamulka Puntland ka Howlgala iyo Maamulka Puntland ayaa shaacisay go’aanka laga gaaray Dacwadda.

Doodda oo ay joogeen bahda warbaahintadeeegnada Maamulka Puntland  iyo qareenada u doodayay labada dhinac ayaa ugu dambayntii laga soo saaray dhowr qodob oo ay ku jirtay  in la fasaxo TV-gan oo dowladda u xirnaa 32 casho.

Maxkamadda ayaa go’aamisay qodobadan;

In dib xoriyaddiisa u helo TV-ga Universan oo horay dowladdu u mamnuucday in laga daawado gudaha Puntland

In TV-ga laga qaado lacag gaaraysa $2000

Iyo in wasaaradda Warfaafintu ay bixiso lacag dhan $25,600 taasoo ah magdhow ku aadan lacagihii ka baaqday TV-ga mudadii uu xirnaa.

Sanadkaan bilowgiisa ayay aheyd markii Wasaaradda Warfaafinta Puntland ay amar ku bixisay in la xiro Tv-ga Universal Xaruntiisa deeganada Puntland, kadib markii uu baahiyay warar meel ugu dhacaya Sumcadda Madaxda Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here