Kenya oo Lagu Wareejiyay Qalab ka hortagaya qataraha halista ah

0
40

Xoghayaha Ciidamadda hubeysan ee dalka Britain, Mike Penning ayaa shalay Dowladda Kenya ku wareejiyay qalab 6 gaadiidka lagu qarxiyo Miinooyinka iyo qalab kale oo ciiddanka Kenya ka taageraya weerarada kaga imaanaya Xarakada Al-shabaab.

Xoghayaha ayaa tilmaamay in qalabkaasi in tababarkaasi gacan ka geysan doono sidii loo badbaadin lahaa nolosha askarta Amisom ee dagaalka kula jira Xarakada Shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay Mike Penning oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Nairobi.

Nic Hailey Madaxa Ergadda UK u joogta Kenya, ayaa isagana sheegay in Qalabka iyo Tababarka noqon doonaan kuwo looga hortago Khatarta ay Ciiddanka Amisom kala kulmaan Dagaalada ay kula jiraan Xarakada Al-shabaab.

Ciidamada Milatariga Dowladda Kenya ayaa dhowr jeer oo hore wax ku noqday qaraxyo dhulka ay ku aaseen Xarakada Al-shabab oo ka dhacay deeganada Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here