Kenya Oo Ka Baxey Heshiiska Duulimaadka Tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi

0
44

 Sida ay inoo xaqiiyeen ilo lagu kalsoonan karo Dowladda Kenya ayaa maanta joojisay duulimaadyadii toos ahaa ee ka dagayay Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.

Mas’uuliyiinta Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya ayaa la sheegay in ay diideen in diyaarad ka baxday Magaalada muqdisho in ay si toos ah ugu dagato Garoonka diyaaradaha magaaladaas.

Taasi badalkeeda ayaa waxa ay amar ku bixiyeen in diyaaradaha ay ka dagtaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Wajeer ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya, islamarkaama halkaasi lagu baaro diyaaradaha kadibna ay u gudbaan Garooonka diyaaradaha magaalada Nairobi.

Mas’uul kasoo duulay saakay Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa ii xaqiijiyay in Garoonka ay ku xayirnaayeen Soomali badan, oo aaminsanaa in uu sii jiro heshiiska.

Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa la xaqiijiyay in ay saarnaayeen diyaaad laga dajiyay Garoonka Diyaaradaha Degmada Wajeer ee Gobolka Woqooyi Bari ee Kenya.

Tani ayaa jabinaysa Heshiiska madaxweynayaasha Soomaliya iyo Kenya ay wada gaareen oo dhigayay in aan diyaaradaha ka baxa Magaalada muqdisho in aan lagu baarin Garoonka Magaalada Wajeer islamarkaana ay si toos ah ugu dagaan Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta.

Muddo 10-sano kadib diyaaradii ugu horey ayaa bishii aynu soo dhaafnay ka duushay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho aadan Cadde, Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta waxayna ka dagatay waxaan halkaas kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here