Keating oo Socdaal Ku Tagaya Magaalada Hargeysa

0
33

Sida ay sheegayaan ilo kalsoonan karo Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaliya danjire Michael Keating, ayaa la filayaa inuu Axadda beri socdaal laba maalmood ah ku tago magaalada Hargeysa ee caasimada Maamulkaas.

 Danjire Michael Keating oo aanu xafiiskiisu wax war ah ka soo saarin socdaalka uu ku tagayo magaalada Hargeysa, ayaa haddana wararka waxa ay sheegayaan in ergaygu u socdo dhawr qodob oo ay ugu muhiimsanyihiin arrimaha abaaraha, doorashooyinka Somali-land iyo dib u dhaca ku yimid.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaliya danjire Michael Keating, ayaa magaalada haregysay kula kulmi doona Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), wuxuuna kala hadli doonaa arrimaha xiligaan ka taagan maamulka Somali-land.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here