Kala shaki ciidan oo ka jira Muqdisho & Farmaajo oo qaabilay Madax wata militeri hubeysan

0
42

Dhawaan waxaa Muqdisho Soo gaaray qaar ka mid ah hogaamiyaasha Maamul dalka , laakiin arinta is weydiinta Mudan ayaa ah Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, markii uu imaanayay wuxuu hore u soo kexeystay qaar ka mid ah ciidamadiisa qaaska ah kuwaas oo si gar ah amnigiisa u sugaya inta uu Muqdisho joogo.

Sidoo kale waxaa maanta Muqdisho Soo gaaray hogaamiyaha Maamulka Dowladda gobolada dhexe ee Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan , waxaana uu hore usoo keeystay ciidamo si gaar ah amnigiisa u ilaliyo inta uu Muqdisho Joogo.

Muqdisho waxaa ka howlgasho  dowlada dhexe ee Soomaaliya, waxaa ku sugan ciidamo kala duwan oo ilaliya amniga dalka gaar ahaan Muqdisho , Waxaa sidoo kale jooga ciidamo Shisheeye oo ay ka mid yihiin kuwa AMISOM .

Madaxweynaha DFS ayaa siyaabo kala duwan uqaabilaya madax wata ciidamo hubeysan oo ugaar ah amaankooda xili dowladda ay dooneyso iney si madax banaan sugto amaanka dalka.

Hadaba waxaa la is weydiinayaa iyadoo Muqdisho ay joogaan Kumanaan ciiamo Soomaali iyo Ajaaniib isugu ira waxa keenaya in hogaamiyasha gobolada qaar ay markii ay  imaanayaan Muqdisho ay hore usoo kexeystan ciidamo gaar ah oo amnigooda ilaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here