J/Land oo ciidamo badan looga dilay Qarax xoogan oo goordhow ka dhacay Kismaayo

0
187

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo ciidamada maamulka Jubbaland lagula eegtay magaaladda Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.

Qaraxan oo ka dhacay Deegaanka Janaay Cabdalle oo ku dhaw Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa waxaa kasoo baxaya inuu geystay dhimasho iyo dhaawac badan.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Qaraxa lala eegtay Gaari nooca Cabdi-bilaha loo yaqaan oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland.

Gaariga Cabdi-bilaha ah ee Qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay inuu galbinaayay Gaari kale oo ay la socdeen Saraakiil cadaan ah oo dhawaanahaani garabsiinaayay ciidamada Jubbaland ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Gaariga Qaraxa lala eegtay ayaa xiliga Qaraxa kusoo jeeday magaalada Kismaayo waxa uuna kasoo laabtay Deegaanka Janaay Cabdalle oo ku dhaw Magaalada Kismaayo.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay ilaa 4 askari, halka 5 kalane uu soo gaaray dhaawac culus, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha amaanka Kismaayo.

Howlgallo xoogan ayaa haatan ka soconaya deegaanka uu qaraxu ka dhacay, mana jirto cid ilaa haatan loo soo qabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here