Hay’adda Cilmi Baarista “majiraan Burcad badeed somalia ah ee waa dano shisheeye

0
42

Taliyaha hay’adda Cilmi Baarista Badaha Soomaaliya Admiral Faarax Qaro oo la hadlay warbaahinta booqasho  ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ee kaluumeesatada ahaa laga dhigay Burcad Badeed sababtoo ah buu yiri Badaha soomaalida oo ay ka kaluumaysan lahaayeen waxaa ka kuluumaysto maraakiib jariif ah oo sharci aan u heeesan ka kaluumaysiga Badaha Soomaaliyeed.

Admiral Faarax Qare ayaa sheegay in dhalinyaradda soomaaliyeed ee kaluumeysatada ahaa ay xanaaqeyn oo ay xadka ka baxayn kadib markii ay waayeen meel ay ka kaluumeestaan waayoo meelwabila waxaa jooga maraakiib jariif ah oo xaalufinaayo kaluunka, sidaasi awgeedna dhalinyarada kaluumeysatada ah ay ku bilaabeen qafaalashada maraakiibta kusoo xad gudba Badaha Soomaalida.

“Beesha caalamka ilaa hada kama aysan hadlin burcad kaluunka, sanadkii 300 oo milyan oo dollars ayaa naga qasaarto oo ay maraakiibtaasi kaluumaysiga ay naga qaataan, cid inoo maqan oo badeena inoo difaacayso ma jirto, gees ka gees waa in la hubeeyaa kaluumeesatada Soomaaliyeed sidaas ayaan ku nabad galeynaa sidaasi ayaana ku ilaashan karnaa badeena” sidaasi waxaa yiri Admiral Faarax Qare.

Hadalka taliyaha hay’adda cilmi baarista badaha soomaaliya Admiral Faarax Qaro ayaa imaanayo iyadoo Maraakiibta dagaalka ee ka howlgala xeebaha Soomaaliya ay toogasho ku dileen labo kamid ahaa kooxaha burcad badeeda Soomaalida halka mid kale ay dhaawaceen iyagoo isku dayay in ay afduub u geestaan markab ku socdaalayay xeebaha dalka Soomaaliy.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here