Haweeney oo xukun dil ah lagu xukum

0
33

Cadaado-RisaalaFM- Maxkamadda Sare ee Maamulka Galmudug ayaa xukun dil ah ku riday Haweeney Gabar 7 sano jir ah ku Gowracday Duleedka Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug 6-dii Maarso ee sanadkan.

Xukunkan dilka ah ayaa yimid kadib markii Maxkamadda Sare ee Maamulka Galmudug ay mudooyinkan waday baaris dheer, kadibna waxaa la isku raacay in Haweeneydan lagu rido xukun dil ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Maamulka Galmudug Maxamed Keynaan ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday Haweeneydan.

Haweeneydan oo mar la hadashay warbaahinta ayaa qiratay dambiga lagu soo oogay, waxaana ay sheegtay dhacdada Gabadha yar ay ku Gowracday in ay timid kadib markii ay sheegtay in Gurigeeda ay maalin walba soo tuuriyeen jirtay.

Qabashada Haweeneydan ayaa timid kadib markii Ciidanka Nabad sugidda iyo kuwa Booliska Galmudug ay Duleedka Cadaado ka sameeyeen Howlgallo lagu raadinayay Haweeneydan, sidaasina ay ku suura gashay in la soo qabto.

Dhacdadan lagu Gowracay Gabadhan yar ee 7 sano jirka ah ayaa dhacday 6-dii Maarso ee sanadkan 2017-ka, waxaana ay noqotay mid ilaa iyo hada ay hadal hayaan shacabka Cadaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here