Hadal Layaab:-Wasiirkii Hore ee Amniga:-“Qaraxyadda Yuusan ka Nixin Wasiirka Cusub”,+Dhageyso

0
59

Wasiirkii Hore ee Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ugu baaqay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga Maxamed Abukar Islow (Ducaale) In uusan walwal isgalinin hadiii ay qaraxyo ka dhacaan Magaalada Muqdisho.

C/risaaq Cumar Maxamed ayaa tilmaamay in sugida amniga dalka uusan kaliyah mas’uuliyad ka saarneen Wasaaradda amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya, balse qof walba oo Soomali ah loogu baahan yahay In uu mas’uuliyad iska saaro sugida amniga.

Sidoo kale Wasiirkii Hore ee Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa tilmaamay in qaraxyada iyo dilalka ka dhaca Magaalada Muqdisho laga soo abaabulo guryo ay dagan yihiin shacab Soomaliyeed, sidaas darteed sugida amniga aan loogu haleyn Karin Wasaaradda Amniga oo kaliyah.

“Marka laga hadlaayo amniga, Wasiir waxaan rabaa in aad ogaato qarax ayaa dhacaya dil aya dhacaya, marka waxaan rabaa in aadan walwalin isgalinin, mas’uuliyadda amniga kaligaa kuma saarno waa mas’uuliyad wadareed”, ayuu yiri Wasiirkii Hore ee Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed.

Wasiirkii Hore ee Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed intuu xilka hayay dhankiisa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya ayaa marti galisay qaraxyo iyo dilal qorshaysan waxaana haatan isbadal loogu fadhiyaa wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga Maxamed Abukar Islow (Ducaale).

Cod cabdirisaaq CumarWasiirkiihore Amniga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here