Qofkii Lo’ qala xukunkiisu waa xabsi daa,in

0
29

Gobolka Gujarat ee galbeedka India ayaa ansixiyey sharci dambi ka dhigaya in la qalo Lo’da, kaasoo ciqaabta lagu mudan karo ay noqonayso xabsi daa’in.

Sharciga gobolkaas uga yaalla ilaalinta xoolaha ayaa dhigaya in ciddii lagu helo ayadoo wadda hilib Lo’aad la xiri doono 10 sano.

Lo’da ayey dadka tirada badan ee haysta diinta Hinduuga u arkaan inay tahay mid barakaysan, wuxuuna dilkeeda sharci darro ka yahay gobollo badan.

Wax ka beddelidda sharcigan ayaa micnihiisu wuxuu yahay in Gujarat ay iminka tahay gobolka ugu ciqaabta adag.

Qofka dambigan lagu helo oo markii hore la ganaaxi jiray 50,000 oo Rupee ayaa hadda la isugu darayaa ganaax dhan 100,000 oo Rupee iyo xabsi.

Wasiiru-dowlaha gobolka Gujarat, Pradipsinh Jadeja, ayaa wariyeyaasha u sheegay in Lo’du ay astaan u tahay dhaqanka dadka Hindida, wax ka beddelka sharciganna dadka lagala tashtay.

Wasiirka ugu sarreeya gobolka, Vijay Rupani, ayaa isna si isdaba jog ah uga hadlay ciqaabta adage e uu mudan karo qofkii Lo’ dila.

Sharcigan ayaa dhaqan galaya marka uu ansixiyo barasaabka gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here