Gudoomiyaha Taabith Oo Muqdisho Soo Gaaray

0
30

Thaabit Cabdi Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa waxa uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Airport waxaana soo dhaweeyay Sii hayaha Xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo ku Xigeenadiisa, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Dowladda, Saraakiisha amaanka ee Gobolka, ururka Haweenka iyo Masuuliyiin kale,

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la filaayaa in uu saxaafadda la hadlo kadib soo dhaweentiisa.

Thaabit Cabdi Guddoomiyaha cusub ayaa saakay diyaarad gaar ah ay kasoo qaaday garoonk Juma Kenyatta ee Magaaladda Nairobi, iyadoona gudoomiyaha cusub uu socdaalkiisa kasoo bilaabay cariga Mareekanka.

6-dii Bishan April ayaa Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi (Farmaajo) waxa uu Ambassador Thaabid Cabdi Maxamed u Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here