Gudoomiyaha G.Banaadir, Wasiiro, Xildhibaano oo ku sugan Dayniile

0
57

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa booqashadiisii ugu horeysay ku tegay maanta degmad Dayniile ee magaalada Muqdisho tan iyo markii uu xilka la wareegay maalin ka hor.

Guddoomiye Taabit ayaa booqashadiisa waxaa ku weheliya Wasiirka Amniga gudaha ee xukuumada Soomaaliya, xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada.

Wafdigan ayaa kormeeray xarumo ku yaalla degmadaas oo ay ka mid yihiin isbitaalka weyn ee dayniile, xarunta maamulka degmada, saldhiga Booliska iyo xaafado mid ah degmadaas.

Masuuliyiinta Maamulka degmada, waxgarad iyo qeybaha bulshada ayaa wafdigan si diiran ugu soo dhoweeyey degmada dayniile oo maanta amaankeeda si weyn loo xoojiyey jawigeedana uu ku bedelnaa sidii hore.

Xaflad soo dhoweyn ah oo loogu talo galay wafdigan ayaa xiligan ka socota hotelka Tropical Village oo ah hotel caalami ah oo ku yaalla degmadaas, waxaana xafladaas ka qeyb qaadanaya koox fanaaniin ah, iyadoo khudbado laga jeedin doono.

Waxaa xafladaas jooga madax katirsan dowlada, qeybaha kala duwan ee shacabka Dayniile iyo koox fanaaniin ah oo ay kamid yihiin Nimcaan Hilaac iyo Khadar Keyow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here