Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir oo hanjabaad kala Kulmay Durbaba Kheyre

0
48

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir Taabid Maxamed Cabdi inuu la yimaado isbadal muuqda oo la taabankaro,xilli uu ka qaybgalayey munaasabad xil wareejin ah.

Raisulwasaare Kheyre ayaa tilmaamay in Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Taabid Maxamed Cabdi uu haatan qorshaha ku darsaday in wax ka badal lagu sameeyo amniga Magaalada muqdisho ee caasimada Soomaliya oo Mudooyinkii ugu dambeeyay aad u xumaa islamarkaana ay ka dhaceen falal amniga lidi ku ah.

“Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Taabid Maxamed Cabdi, waxa uu soo bandhigay qorshe wax loogu qabanaayo amniga xumaaday ee Magaalada Muqdisho, runtii Madaxweynaha Soomaliya iyo anigoo ah Raiuslwasaare Xukuumadda Sooomaliya waxaan bilaabi doonaa sidii loogu shaqeyn lahaa sugida amniga Magaalada Muqdisho,Shacabka waxaa dhankooda loogu baahan yahay in ay ka qeyb qaataan amniga Magaalada Muqdisho”, ayuu yiri Raisulwasaare Kheyre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here