Ganacsatada Hargeysa oo ka hadlay shaqo joojin ay sameeyeen

0
40

 

Ganacsatada Magaalada Hargeysa oo isugu jira kuwa heerka dhexe iyo kuwa Hoose oo maanta kulan yeeshay ayaa waxa ay ka hadleen shaqo joojin ay sameeyeen, kadib markii sarifka lacagta Dollarka uu cirka isku shareeray.

Ganacsatadan ayaa xukuumadda Somaliland waxa ay ugu baaqeen in ay wax ka qabato sarifka Dollarka ee cirka isku sii shareeray.

Sicir bararku waxa uu ka mid yahay Aafooyinka ugu xun ee saameynta weyn ku yeesha nolsha Aadanaha, waxaana albaadabada loo xiraa kumanaan Ganacsi oo yar yar.

Somaliland ayaa hada waxa ay mareysaa marxaladii ugu adkeyd ee dhanka sicir bararka ah, kaasi oo saameeyay cuntooyinka Quutal daruuriga ah iyo waxyaabihii kale ee aas aasiga u ahaa nolosha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here