Gabar Iyo Wiil wada dhashay oo ku dhintay Qarax ka dhacay Sh/Dhexe

0
33

Wararka naga soo gaaraya degmada degaanka Wiririfka oo 9 km u jira degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa  waxa ay sheegayaan in halkaasi Qarax lagula eegtay Kolonyo ka tirsan ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Miino dhulka lagu Aasay , waxaana ku dhintay Wiil iyo Gabar wada dhashay oo goobta Maraayay.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa booqasho news u xaqiijiyey in Wiilka iyo Gabdha in ay  saarnaayeen Mooto ,islamarkaana ay ku joogeen wadda Qaraxa ka dhacay.

 Ciidamada AMISOM ayuu Sheegay qofkaasi ka mid ah dadka degaanka in aysan khasaare kasoo gaarin Qaraxa.

Inta badan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lala eegtaa miinooyin lagu Aasay wadooyinka ay ku safrayaan waxaana waxyeelo ay kasoo gaartaa dadka shacabka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here