Gabar sanado badan la nooleyd daanyeero ah oo la soo helay, iyadoo leh.. (Daawo Sawirro)

0
33
booqasho
booqasho news

Ciidanka Booliska India ayaa soo helay gabar yar oo daanyeero la noolayd muddo dhowr sano ah ka dib markii ay ka luntay qoyskeeda muddo dheerna la baadi goobayey.

Gabadha oo da’deedu u dhaxayso 8-10 ayaa sheekadeedu waxay qabsatay baraha bulshada iyo warbaahinta caalamka, waxaana maalmo ka hor laga helay kayn ku taalla gobolka Uttar Pradesh.

Dhakhaatiirtu waxay sheegeen inaysan hadli Karin, ayna sifooyinkii daayeerka leedahay, waxayna markii la soo qabanayey la cayaaraysay koox daanyeero ah iyadoo u dhaqmaysay sida ay u dhaqmaan.

Gabadha yar ayaa waxaa seeraha duurjoogta ee Katarniaghat oo u dhow xudduudda Nepal ku arkay dad tuulo joog ah.

Col. Suresh Yadav oo booliska ka tirsan wuxuu sheegay in daayeerradu ay askarta weerareen markii ay u yimaadeen inay gabadha kaxeeyaan uuna halkaas ka dhacay dagaal adag oo dhexmaray labada dhinac.

Macluul ayaa ka muqatay markii la keenay, waxayna lahayd timo iyo ciddiyo dhaadheer, dhaawacyana jirkeeda ayey ku yaalleen.

Waxay u ciyaysay sida daanyeerka, waxaana la keenay iyadoo afarta addin dhiganaysa, Booliskuna waxay iminka baadigoob ugu jiraan sidii loo heli lahaa waalidkii gabadhaas dhalay.

Waxaa la qorshaynayaa in lagu wareejiyo hay’adaha ka shaqeeya daryeelka carruurta iyo khubaro caafimaad si ay dunida ula qabsato, maskaxdeedana looga saaro dhaqanka daanyeerada iyo Duur-joognimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here