Gaas:-“Heshiiskii Dekeda Bosaaso Dowladda Farmaajo Way Ogtahay

0
124

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Bbc-da la hadlay ayaa difaacay heshiiskii Dekeda Magaalada Bosaaso ee Gobolka Bari ee uu lasoo galay shirkad laga leeyahay Dubai, taasoo dhaqaale gaaraya 336 milyan galinaysa balaarinta iyo casriyaynta Dekadaas.

Madaxweyne Gaas ayaa tilmaamay inuu yahay heshiis horumar u ah Soomaaliya oo dhan islamarkaana wuxuu cadeeyay inay ogtahay dowladda federalka Soomaaliya, sidoo kalena uusan jirin wax muran ah oo ka taagan heshiiskaan.

“Soomaaliya horumar ma gaari karto haddii aysan horumarin kaabayaasheeda dhaqaalaha, Anigu dhaqaale yahan ayaan ahay waan garan karaa meesha uu dhaqaaluhu ka imaanayo, waana dekedaha oo la balaariyo, garoomada diyaaradaha oo la badiyo iyo jidadka oo la dayactiro,” ayuu yiri madaxweyne Gaas oo wareysi siiyay BBC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here