FALAQEYN:Waxba Haka caroon Soomaali iyadu isma Doonaysee!

0
54

Waxaa jira shirar badan oo hore loogu qabtay magaalada london sanadihii 2012 ilaa 2013 iyo kan hada laguqaban doonosanadkan 2017

Shirkan ay hada qabanqaabinayso Dawlada Britian waa shir caalamiya oo madaxbadan oo ka socda Dawladaha deeqda bixiya ama daneeya siyaasada soomaaliya ka soo qay galayaa shirka london ee arimaha somalia.

Shirka london Qodobata Dawlada Britian xalka u raadinayso !

1)Cooda soomaalida dhextaal

2)dagaalka kooxaha alshabaab ,Dacishta 3)Qaxootiga iyo Abaaraha,

4) burcadbadeedka

5 ) khayraadka soomaali

shirkan waxay Dawlada Britian kaleedahay arimo siyaasadeed oo dantooda ku jirto

sida inay Gacanta ku dhigto shidaalka soomaaliya ku jira. ee aadka u badan waana arinta Dawlada Britian u soo faragalisay arimaha soomaaliya

Sidaan ku Baranay taariikhda shidaal Qodida

Waxay dawlada Britian Tahay Dawlada Gacanta ku Haysa shidaalka ku jira Wadamada islamka intooda badan waxay hore

shidaalka uga soo saartay wadanka sacuudiga iyo wadamada khaliijka sida imaaraadka kuwayt

Waxaan kaloo wada og tihiin in suuqa ugu weyn ee lagu iibiyo shidaalka caalamka uu kuyaal london

Dawlada Britain waxay doonaysaa inay xoog saarto siday soomaalidu ugu heshiin lahayd khayraadka wadankooda ku jira shidaalka ugu badan somalia wuxuu ku jiraa dhinaca bada gaar ahaa badweynta hindiya.

Siyaasada in soomaaliya laga hirgaliyo Dawladu Faderaal ah oo Qabiilkasta loo sameeyo dawlad uu isagu isku ilaaliyo Figradaa waxaa keenay Dawlada Britain oo aqoon fog u leh Taariikhda soomaaliya

Arinkaa waxay wadaa waqti ku dhow toban sano kabadan waxayna si toosa ula xiriiraan maamulada wadanka soomaaliya ka jira. Waxaad dareemi kartiin shaqada uu hayo Danjiraha Britain ee somalia

Waxaa kaloo dawlada Britain aad u danaynaysaa Jaaliyadaha Soomaalida ee ku nool wadankooda sidey ugu Faa’iidaysan lahayd awoodooda

si ay dhaqanka waxbarashada soomaaliya loogu badali lahaa hanka waxbarasho ee Britain. arinkaa oo keeni doona in dhaqankii waxbarasho ee talyaaniga iyo carabta meesha laga saaro waqti dhaw.

Jaaliyadaha Soomaalida ee ku nool wadanka Britain waa jaaliyada ugu weyn ee wadan reer Galbeed soomaaluda ugu badan ku nooshahay

Waxaan wada og tihiin siyaasada Dawlada Britain ee Gaboowdey taas oo ku dhisan cilmiga iyo xadaarad dheer taas oo ka timid aduunka intiisa badan ayey soo Gumaysteen.

Dawlada Britain waxay awood ku doonaysaa

inay siyaaad awood lagu hergalinayo in ku

muquuniso soomaali maamuladooda oo dhan

Waxay dhibaato ka jirtaa in soomaaliduis duudanay Boqolaalsano waxayna

dhaqanka ka dhigteen dagaal ku dhisan Qabyaalad iyo soomaali waxba kama dhaxayn inay ku doodaan sida somaliland iyo maamulada kaleba.

Waxaa la filayaa in shirka bisha may 17 2017 inay shirka wada Guddoomindoonan Ra’iisul Wasaaraha Britain iyo Madaxweyney Maxamed cabdulaahi Farmaajo. Waxaan ka qayb gali doona dhamaan Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada waqtigan ka dhisan soomaaliya waxayna casuumad ka heleen Dawlada Britain oo shirka iyadu qaban qaabinaysa ayka soo baxaan siyaasada saxda ah ee mustaq balka ee dawlada Britain kaleedahay soomaaliya

Dad badan oo soomaaliyeed ayaa ku wareeray siyaasada labada waji ee ay caan ku yihiin wadamada reer Gabeedku dad Qaar waxay moodaan in soomaaliya leedahay dowlad ay aqoonsan tahay beesha caalamku.

Beesha caalamku waa dawladaha reer Gabeedka ee intoo badan Gumays tahay Qaarada Africa waxaana ugu weyn Dawlada Britain oo Taqaan Qaybi oo xukun.

Waxaa jira Kulanka hoose oo dhexmaray Madaxweynaha Dawlad Gobaleedka puntland mudane Gaas iyo Ambassador Dawlada Britain ee somalia Mr Devid Concar kulankaa waxay uga wada hadleen Qorshaha Dawlada Britain ee shirka london iyo xoojinta xiriirka Somalia iyo Britain, gaar ahaan kan Britain kala dhexeeya Puntland.

Kulamada noocan oo kala ah waxay Marqaati u yihiin nooca Siyaasadeed ee Dawlada Britain ay ka doonayso soomaaliya

Dadka Taageersan Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa aaminsan in Madaxweyne Farmaajo uu ka fursad wanaagsanyahay madaxdii isaga ka horeeysay

Anigu figradaa maqabo anigu waxaan aamin sanahay in dawladaha reer Galbeedku soomaaliya ka dhisayaan dawlado yay yar oo leh dawlad dhexe oo

Awoodeedu tahay ka qeyb galka shirka caalamka Sida Dawlada Bosnia Herzegovina oo kale siyaasada Dawlada Britain iyo saxiiba dooda EU iyo USA waxay Rabaan in Khayraadka soomaaliyana Gacanta ugalo shirkado reer Galbeeda oo waa weyn sida kaluunka shidaalka iyo IWM.

Markaa waxan Falanqeyn tayda ku soo gaba gabaynayaa madaxweyne Farmaajo waxba Gacanta uguma jiraan mahaysto shacab hal siyaasad ku midaysan

markaa waxba ha kacaroon soomaali iyadu isma doonaysee. Waxay doonaysaa dawladahaa yar yar ee ku dhisan Aragtida Qabiilka la dawladeeyey. Figradan oo ah mid laga keenay Qorshii Gumaysiga Qaybi oo xukun ku dhisnayd.

Qore : Falanqeyaha siyaasada soomaaliya Maxamed caalim

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here