Ex-Gudoomiye Madaale oo Arimo Xasaasi ah Muqdisho ka wado+sababta

0
29

Sii hayaha Gudoomiyihii  gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa Maanta xariga ka jaray Xarun cusub oo lagu magacaabo daryeel taasoo ku taalla degmada Kaxda.

Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in Xaruntaan loogu tala galay 200 oo qoys oo ka mid ah dadka ay Abaaruhu saameeyeen ee kusoo Barakacay Muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in la caawiyo dadka ay Abaaruhu Saameyeen.

Xaruntaan Cusub ayaa waxa ay leedahay Biyo , Meelo cuntada lagu kariyo iyo sidoo kale waxyaabo u muhiim ah dadka barakacayaasha ah.

Degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa ka mid ah Meelaha ugu badan ee ay soo gaareen dadka kasoo barakacay Abaaraha ka jira Koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here