Dowladda Soomaaliya oo si kulul uga hadashay Afduubka Wariye Hanad

0
38

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa si kulul uga hadlay Afduubka loo geystay Wariye Hanad.

Wasiirka ayaa sheegay in ay si weyn u cambaareynayaan Afduubka loo geystay Wariye Hanad Cali Guuleed oo ka tirsanaan goobjoog FM.

“Aad iyo aad ayaan u cambaaraynaynaa Afduubka loo geystay Wariye Hanad ” ayuu yiri Eng Yariisow.

 Wariye Hanad Cali Guuleed oo war soo saare ka ah Goobjoog Television ayaa subaxnimada Sabtida waxaa rag aan heybtooda la garan ka afduubteen duleedka magaalada Muqdisho.

Guuleed ayaa maalmahan ku howlanaa olole bini’aadannimo, isaga oo wax ka aasaasay hay’adda Media for Aid, qoyskiisa waxaa ay sheegayaan in habeennadii dambe loogu hanjabayey khadka Telefanka, loona sheegay in uu howlahaasi ka haro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here