Dowladda Soomaaliya Maalgashi Caalami Ah Ayey U Diyaar-Tahay”

0
52

Caasimadda soomaaliya ee magaalada Mogdisho waxeey imika u furan tahay maalgashiga shisheeye waxaan horumarinay amaanka iyo arimaha dib u dhiska gobalka- sida uu sheegay Gudoomiya iyo Duqa magalada Mogadisho MudaneYuusuf Xuseen Jimcaale intii lagu guda jiray booqasho uu ku yimid dalka soomaaliya Ra’isul waseere ku xigeenka dalka Turkiga Veysi Kaynak.

Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlay kulan lagu soo dhaweyneyay Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka turkiga ayaa xusay in sidoo kale qurbo joogta soomaaliyeed ay ku dhiiro geliyaan maalgelinta dalkooda iyadoo muwaadiniinta gudaha dalka ku sugan ay bixiyaan lacagaha canshuuraha taa oo ka qeyb ah dib u dhiska dalka iyadoo gudoomiyaha gobalka uu xusay in shirkadaha dalka ay yihiin kuwo ka diiwaan gishan maamulka gobalka oo sidoo kale ka qeyb qaata dib u dhiska dalka iyo bixinta canshuuraha sida gudoomiyaha gobalka banaadir yuusuf xuseen jimcaale uu xusay.

“Waxaan gaarnay horumar badan oo ku saabsan dhanka amaanka” ayuu hadalkiisa ku daray gudoomiyaha gobalka Banaadir oo kulankaasi ka hadlay.

“Iyadoo wali ay jirto qatarta al shabaab, Mogdisho weey ka wanaagsan tahay maanta shan(5) sano ka hor sidii ay aheyd. waxaan isku daynay in aan abuurno shaqooyin-weyna inoo hirgaleen iyo inaa soo jiidano maalgashiga caalamiga inagoo dhisnay wadooyinka gobalka banaadir.

Waxaa Gudoomiyaha gobalka uu bogaadiyay maalgashiga qurba joogta soomaaliyeed ay ka hergeliyeen magaalada Mogadishu gaar ahaan dhisidda hoteelada, goobaha ganacsiga,jaamacadaha iyo xarumaha caafimaadka.

Waxyaabaha maalgashiga qurba joogta laga faa’iday waxaa kamid ah in shaqo abuur loo sameeyay dhalinyarada dalka ku nool si aysan ugu biirin dagaalyanada al shabaab.

Intii lagu guda jiray booqashada Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga oo la kulmay madaxweynaha soomaaliya Mohamed Abdullahi farmaajo ayaa Veysi Kaynak Ra’isul wasaare ku xigeenka turkiga waxa uu sheegay in turkiga ay sii wadi doonaan caawinaada iyo ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalka soomaaliya.

“Dowalada turkiga deeq kala duwan ayeey ku wareejisay maamulka gobal banadir oo loogu tala galay dib u dhiska dalka iyadoo deeq intaas ka badan ay u balan qaaday sida ugu dhaqsiyaha badanna soomaaliya ay u soo gaarsiin doonto dowlada turkiga” sidaas waxaa yiri Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka turkiga oo Mogadishu ku sugnaa.

Dowlada turkiga oo kamid ah dowladaha soomaaliya ka taageera dib u dhiska dalka ayaa 50 million oo dollar ku qarash-gareysay xero tabo bar oo magaalada Mogadishu ay ka hergelisay taa oo furitaankeedu uu ka soo qeyb qaadan doono bishan April Madaxweynaha dalka turkiga Reccep Tayyip Erdogen.

Tan iyo markii xilka gudoomiyaha gobalka uu la’wareegay Yuusuf xuseen jimcaale madaale waxaa dib u soo noqday bilicda iyo rajada shacabka ku nool gobalka banaadir ay qabaan kadib markii caasimadda soomaaliya ee magaalada Mogadishu laga bilaabay dib u dhiska wadooyinka, dayactirka iyo qurxinta goobaha farasmagaalaha u ah guud ahaan gobalka banaadir gaar ahaan magaalada mogadishu iyo amaanka gobalka waxaana fulinta iyo dardar gelinta mashruucan dalka lagu dhisayo hurmuud ka ah gudoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa magaalada Mogadishu Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

W/T:-Abdiaziz Hassan Ibrahim

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here