Dowladda Federalka Iyo Dowlada Puntland Oo Isku Haysto Bixinta Laysinka Maraakiibta Kalluumeysiga.

0
118

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee DFS iyo dhigiisa Maamul-gobaleedyadda Puntland, Hirshabelle, Galmudug, Jubbaland iyo K/Glbeed ayaa ku kala tegay Kulan ay kaga hadlayeen Canshuuraha iyo Laysimadda la siinayo Maraakiibta ka kalluumeysta Badda Somalia.

Shirkaasi oo maalmihii la soo dhaafay ka socday Xarunta AMISOM ee Xeradda Xalane, waxaa soo qabanqaabiyey QM iyo Hay’adda Kaalmadda Maraykanka ee USAID.

Ilo Xogogaal ah ayaa u sheegay booqasho news inay Wasiiradda aad uga doodeen Saamiga ay DF ku leedahay Kharajka Canshuuraha iyo Laysimada Fasaxa ee la siiyo Maraakiibta ka kalluumeysta Badda Somalia.

Dowladda Federalka ayaa soo jeedisay inay Maamul-gobaleedyadda mas’uul ka yihiin maamulista 10-mayl oo ka mid ah Badda ku yaalla Deegaanadooda, iyadoo Badda Furan ee Maamul-gobaleedyadda ay DFS mas’uul ka tahay inay qaado Canshuuraha Maraakiibta iyo Laysimada la siinayo Maraakiibta Kalluumeysiga.

Ergaddii Maamulka Puntland ayaa ku gacan-sayray Qorshahaasi, waxayna sheegeen inaysan DF la maamuli karin Badda iyo Xeebaha Puntland.

Wafdigii Maamulka Jubbaland ayaa  iyagana ku mowqif noqday Maamulka Puntland, waxayna labada Ergo ka wada baxeen Madashii Shirkaasi.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay booqasho news in lagu kala tegay Shirkaasi, iyadoo aan wax natiijo mideysan ah laga gaarin Ajendayaashii laga wada xoojaday.

Wafuudda ayaa la filayaa inay maanta dib ugu laabtaan Maamul-gobaleedyadda ay ka soo kala jeedaan, lamana sheegin haddii mar kale ay Kulan ka yeelan doonaan Ajendahaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Maamul-gobaleedka Puntland ayaa waxay Fasaxa Laysimadda Kalluumesiga siiyaan Maraakiibta iyo Doonyaha laga leeyahay dalalka Iiraan, Yemen, pain iyo Taiwan, kuwaasi oo badankooda ka jilaabta Badda Puntland, gaar ahaan Gacan-biyoodka Cadmeed ee u dhexeysa W/bari Somalia iyo Xeebaha Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here