Diyaaradaha Mareykanka oo Duqeymo Ka Fulinaya Koonfurta Dalka Soomaliya

0
115

Mas’uuliyiin u hadlay Dowadda Mareykanka ayaa sheegay in dhawaan la bilaabi doono howlgalka Cirka ah ee ay fuliyaan Diyaaradaha Mareykanka ee koonfurta dalka Soomaliya.

Waxaa la sheegay in howlgalkaan uu u badnaan doono midka cirka ah islamarkaana lala beegsado goobaha ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Xarakada Al-shabab ee ku yaala Koonfurta dalka Soomaliya.

Sidoo kale waxaa la sheegay in uu jiri doono howlgal dhanka dhulka ah oo ay iska kaashan doonaan Ciidamada Mareykanka, AMISOM iyo Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed.

Diyaaradaha Dowladda mareynka ayaa la sheegay in ay beegsan doonaan cid walba oo xiriir la leh Xarakada Al-shabaab ee ku sugan koonfurta dalka Soomaliya.

Sidoo kale waxa la war galiyey dhamaan Hay’adaha ka howlgala Koonfurta Soomaaliya si aan iyaga loogu qaldamin waxaa la faray in ay xiriir lasoo sameeyaan Taliska Midowga Afrika ee  Amisom.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here