Deg Deg:”Wasiirkii Hore ee Dekadaha Soomaliya oo Geeriyooday

0
28

Ala ha u Naxariistee waxaa Xalay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya ku Geeriyooday wasiirkii Hore ee Dekadaha Xukuumadii Raisulwasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke.

Mas’uulkaan oo lagu magacaabi jirey Nuur Faarax Xirsi ayaa mudooyinkii dambe ku xanuunsanayay mid kamid ah isbitaalada ku yaala magalada Muqdisho,waxana la xaqiijiyay in xalay saqdii dhexe uu geeriyooday.

Dowladda Soomaliya ayaa ka Tacsiyadeysay Geerida ku timid wasiirkii Hore ee Dekadaha Xukuumadii Raisulwasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here