Deg Deg”Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo Maanta La Maxkamadeynayo kadib waqti dheer uu xabsi ku jirey

0
23

Maxkamadda Magaalada Hargeysa ee caasimada Maamulka Somali-land ayaa maanta lagu wadaa in uu kasoo hor muuqdo Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo sanadkaan bilowgiisa lagu xiray Garoonka diyaaradaha magaaladas.

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa ku dhawaad muddo laba bilood ah ku xiran xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa ee caasimada Maamulka Somali-land, iyada oo mudadii uu xirnaa aan mar kaliya la hor keenin maxkamad.

Qareenka u dooda wariye C/maalik Muuse coldoon ayaa sheegay in wariyaha uuusan laheyn wax dambi ah islamarkaana loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha baan xabsiga loogu sii daayo.

Dhanka kale xeer ilaalinta somaliland ayaa warqad ay dhawaan soo saartay ku sheegtay eedaymaha loo haysto wariye Coldoon, kuwaas oo ay ka mid yihiin inuu ka hor yimid qaranimada somaliland iyo inuu aflagaadeeyey madaxda qaranka iyo inuu taageeray madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo wakhtigii la doortay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here