DEG DEG:”Wada hadalkii Galmudug iyo Ahlusuna oo fashilmay

0
115

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in uu fashilmay wada hadaladii Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna, kaasi oo maalmahan la qorsheynayay in uu Muqdisho ka furmo.

Heshiiskan ayaa waxaa garwadeen ka aheyd Dowladda Federaalka, gaar ahaan qaar ka tirsan Wasiirada oo uu ugu horeeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug ahna Gudoomiyaha Guddiga wada hadalka Galmudug Cusmaan Maxamed Cali oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in gebi ahaanba uu fashilmay wada hadalkii dhexmari lahaa Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.

Waxa uu sheegay Dowladda Federaalka in ay ku guuleysan weyday in ay Ahlusuna ku qancin weydo wada hadalka, ayna ka qeyb qaataan Nabadda.

Cusmaan Maxamed Cali Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay wax walba in ay ka socon waayeen dhanka Ahlusuna, ayna sii wadan doonaan Doorashada ka dhaceysa Magaalada Cadaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here