Deg Deg”Shil-Gaari oo Qasaaro Geestay oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada ===

0
39

Gaari nuuca raaxada ah oo loo yaqaano Noah ayaa xalay fiidnimadii ku jiiray Gabar duleedka Magaaladda Muqdisho, goob-jooge ku sugnaa goobtuu shilka ka dhacay ayaa Idaacadda Simba u xaqiijiyey in gaarigaasi shilka ka dib uu goobta ka baxsaday.

Gabadha gaariga uu jiiray oo garaab ah  ayaa durbadiiba loola cararay mid kamid ah isbitaalada magaalada Muqdisho  halkaasi oo xaaladeeda caafimaad loola tacaalaayo.

Sidoo kale gaariga ayaa bur-buriyey goobo ganacsi oo ka ag-dhawaa goobta uu shilka uu ka dhacay

Ugu dambeyntiina gaarigaani ayaa waxaa gacanta ku dhigay maamulka deeganka Garas-Baaley waxayna ku wareejiyeen maamulka degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, wadahii gariga wadayna waxaa la sheegey in lagu xiray saldhiga degmada Dharkeynley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here