DEG DEG”Qarax xoogan oo goordhow laga maqlay magaaladda Muqdisho

0
53

Qarax xoogan ayaa goordhow laga maqlay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya.

Qaraxan ayaa la sheegayaa in uu ahaa bambaano nuuca gacanta laga tuuro, kaasi oo lagu weeraray fariisimo Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Xaafada Cali-Booleey ee Degmada Waabari.

Dadka Degaanka qaarkood ayaa sheegay in Qaraxa kadib ay maqleen rasaas xoogan oo ay furayeen Ciidamada Dowladda ee Weerarkaasi lagu beegsaday.

Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay Qaraxan.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ayaa xiray nawaaxiga halka uu Qaraxaasi ka dhacay, waxaana ay bilaabeen sida la sheegayo howlgallo ku aadan soo qabashada Kooxihii ka dambeeyay Qaraxaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay Dilal iyo qaraxyo u badan ismiidaamin oo badankood ay sheegteen Xarakada Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here