DEG DEG”Qarax weyn oo lala eegtay Ciidanka Kenya+qasaaro baaxad leh

0
38

Wararka inaga soo gaaraya duleedka degaanka Hoosingoow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Qarax Khasaare geystay lagula eegtay Kolonyo ka tirsan Ciidanka Kenya.

Qaraxan oo lala eegtay gaari ka mid ahaa Kolonyo Ciidamada Kenya oo u socday degaanka Hoosingoow, islamarkaana ka yimid dalka Kenya, Qaraxa nuuciisa waxa uu ahaa Miinada dhulka lagu Aaso.

Gaariga lala eegtay Qaraxa ee ay saarnaayeen Ciidanka Kenya ayaa waxaa ka dhashay khasaare, sida uu booqasho  u sheegeen dadka degaanka.

War Al-Shabaab ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkan, waxaana ay sheegeen Qaraxaasi in ay ku dileen 7 Askari oo ka tirsan Ciidanka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here