DEG DEG:Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukuno riday “SAWIRRO

0
42

 

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida Soomaliya Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa waxa uu sheegay in maxkamadda ciidamadda qalabka sida ay xukun ku riday labo eedaysane oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanyahiin Al-Shabaab.

Gaasahaanle Shuute ayaa sheegay in Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida ay heyso cadeemo muujinaayo in eedeesanayaasha ay yahiin dambiilayaal galay dambigii lagu soo eedeeyay.

Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute ayaa carabka ku dhuftay in eedeesanayashaan labadda ah lagu xukumay muddo 10 sano oo xabsi ah qofkii aanan ku qanacsaneyna ay u furantahay racfaan in uu ka qaato xukunkaasi.

Labadaan ruux ee la maxkamadeeyay ayaa waxaa gacanta kusoo dhigay ciidamadda nabad sugida Galmudug iyagoona usoo gudbiyay maxkamada Ciidamada Qalabka sida Darajada Koowaad ee Dowladda Federalka Somaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here