DEG DEG:”Haweeneey Uur leh oo si lama filaan ah lagu dilay Magaalada Kismaayo

0
237

Sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbalad Hoose waxa la boobay Macaawino degmadaas laga qaybinayay.

Wararka ayaa sheegaya in Raashin Macawino ah oo lagu dhax qeybinayay bartamaha magaalada Kismaayo la boobay, waxaana Rasaas ay fureen ciidamada maamulka Jubbaland ku dhimatay Haweeney Uur leheyd.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in raashinkan loogu talo galay in loo qeybiy dadka ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen ee kusoo barakacay Kismaayo in boob lagula dhaqaaqay taasina ay keentay in ciidmadu ay rasaas ku firaan dadkii raashinka mucawinada ah kusoo xoomay.

Rasaasta ay fureen Ciidamada amaanka Jubbaland ee ilaalinayay raashinka Mucaawanada ah iyo dhaqa dhaqaaqa amni ee magalada ayaa sababtay in Haweeney uur leh ay goobtaas ku geeriyooto taasi oo ay rasaasta haleeshay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here