DEG DEG”Farmaajo oo xilka ka qaaday Bashiir Goobe

0
40

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Taliye-yaasha xilalka laga qaaday ku daray Taliyihii Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo Digreeto ka soo baxday xafiiskiisa, lana horgeeyay Golaha Wasiirada, ayaa xilka looga qaaday Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, iyadoona lagu soo bedelay General Xuseen Xasan Cismaan.

General Xuseen Xasan Cismaan oo horey u soo noqday Taliyaha Ciidamada Asluubta, ayaa waxaa la’ogyahay in 9-kii bishii May ee sanadkii 2015-ka uu xilkaasi ku wareejiyay Sareeye Guud Bashiir Goobe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here