DEG DEG:’Dowladda Soomaliya Amar Dag Dag ah Kasoo Saartay Qilaafka U Dhaxeeya Galmudug iyo Ahlusuna

0
199

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya islamarkaana Nuqul Kamid ah lasoo gaarsiiyay booqasho news ayaa waxaa loogu hadlay qilaafka wali u dhaxeeeya Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.

Halkaan Hoose Ka Akhriso Qodobada.

  1. In ay labada dhinac ee Galmudug iyo Ahlu-sunna heshiis ka gaaraan khilaafkooda, islana qaataan wax qaybsi siyaasadeed oo ku dhisan cadaalad iyo is-tixgalin.
  2. In Galmudug ay qabato doorasho madax-wayne xilligii lagu ballamay, kaas oo dhamaystira mudada xilka Madax-waynaha ka hartay.
  3. In dhameystirka wada-hadalada iyo dhaqan galinta heshiis siyaaseed iyo awood qaybsi buuxa laga dhigo doorashada Madax-waynaha Galmudug ka dib
  4. In Dawladda Federaalka iyo Beesha Caalamku Fududeeyaan Is-fahanka iyo dhamaystirka wada-hadalada wax qaybsi ee labada dhinac.
  5. In Galmudug iyo Ahlu-sunna ka fogaadaan wax walba oo wax u dhimikara in la gaaro heshiis dhameystiran iyo wax qaybsi siyaasadeed oo buuxa inta lagu jiro wada hadalada.
  6. Waxaa Dowladda Fadaraalku ugu baaqaysa labada dhinac ee Galmudug iyo Ahlu-sunna in ay ka shaqeeyaan la dagaalanka xag-jirka, nabad diidka iyo waxkasta oo khatar ku ah nolosha, wada-jirka iyo xasiloonida deegaanka.
  7. Waxaa sidoo kale Dowladda Federaalku ugu baaqeysaa labada dhinac in ay iska kaashadaan u gurmadka dadka iyo duunyada abaartu saamaysay.
  8. Waxay Dowladda Federaalku u mahad-celinaysaa labada dhinac siday u muujiyeen rabitaanka in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee deegaanka.
  9. Dowladda Federaalku waxay si gaar ah ugu mahad-celinaysaa maamullka Galmudug dulqaadkii iyo rabitaankiii ay muujiyeen si xal waara looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka jiray Galmudug.

Mahadsanidiin

Cabdi Faarax Saciid (Juxa)

Wasiirka Arrimaha Gudaha, federaalka iyo Dib u heshiisiinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here